4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 26, 2021
Wasaarradda Arrimaha Dibada Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalkii Beled-Xaawo

 

Talaado,, Janaayo, 26 2021 (HOL) - Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa looga hadlay dagaalkii cuslaa ee maalintii shalay ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo ay Wasaarradu ku eedeysay in ay soo abaabushay dowladda Kenya.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in maleeshiyaad sharci darro ah oo ay soo bubeysan dowladda Kenya in ay ka soo gudbeen xadka iyaga oo weerar ku soo qaaday gobolka Gedo gaar ahaan degmada Beled-Xaawo.

Wasaarradda ayaa ku amaantay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sida ay isaga caabiyeen weerarkii ugu yimid maleeshiyada taageerada militari ka helayay dowladda Kenya.

Warkan ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa u muuqda mid jawaab u ah bayaan dowladda Kenya ay ka soo saartay dagaalka oo ay ku sheegtay mid walaac badan ku haya Kenya iyaga oo ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo.

Qoraalka Wasaarradda Arrrimaha Dibada DF Soomaaliya

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]