4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2021
Madaxwayne Mustafe cagjar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Addis Ababa
 

Isniin, Janaayo, 25 2021 (HOL) - Waxaa maanta gaaray caasimadda dalka ee Addis Ababa wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida Mustafe cagjar.

Madaxwaynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Bole kusoo dhaweeyay dhigiisa degaanka Oromada Shimalis Abdisa.

Wafdiga madaxwaynaha ayaa ka qaybgalaya shir dhanka Nabadgalyada iyo xoojinta xiriirka labada degaan ee Soomaalida iyo Oromada oo lafilayo in galinka dambe ee maanta uu ka furmo magaalada Addis Ababa.

Shirkan ama kulankan maanta ee labada dhinac ayaa kusoo hagaagaya xilli meel adag marayso xaaladda dalku.

Abdilahi Jawhar
Hiiraan Online
Jigjiga