4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2021
Dowladda Kenya oo ka hadashay dagaalka Beled-Xaawo

 

Isniin,, Janaayo, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay walaac ka qabto dagaalka ka soo cusboonaaday degmada Beled-Xaawoee  gobolka Gedo oo sida ay sheegtay Kenya wax aan badneyn u jirta xudduuda ay wadaagaan Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibada Kenya ayaa lagu sheegay in dagaalkan uu sababay barakaca dad badan oo rayid ah, kuwaa oo laga yaabo in ay intooda badan ku biiraan qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya.

Dagaalkan ayeey sheegtay dowladda Kenya haddii uu sii socdo in uu xumeyn doono guud ahaanba nabad-galyada isaga oo dhinaca kalana carqalad ku noqonaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. 

Dhinaca kale Kenya ayaa sheegtay in dagaalkan uu u muuqdo mid u dhaxeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya in ay ka danbeysay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay degmada Beled-Xaawo, islamarkaana soo hubeysan maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday waa sida ay hadalka u dhigtay dowladda Soomaaliya.

Balse Kenya si toos ah qoraalkeeda ugama jawaabin eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah inay soo hubeysay jabhad fallaago ah  taa badalkeedana waxaa ay ku baaqday in dagaalka la joojiyo.

Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibada Kenya

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]