Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2021
Wasiirka Shaqada Soomaaliya oo dhiggiisa Qatar kala hadlay furitaanka Suuqa Shaqada
Isniin,Janaayo,25 2020 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku gaaray xilli dambe oo shalay ah magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar, ayaa galinkii hore ee Isniinta maanta la kulmay Wasiirka Horumarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dalkaas, Mudane Yousef Bin Mohammed Al Othman Fkhroo.
Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga dhismaha awoodaha waaxyaha Dawliga ah, isku xirka suuqyada Shaqada ee labada dal iyo furitaanka suuqa Shaqada Qatar.
“Wuxuu muhiimad u lahaa kulankan dadaallada aan ku dooneyno inan ku xoojino awoodda hay’adaha Dawladda gaar ahaanna Shaqaalaha.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray “ Qatar waa dal muhiim u ah fursadaha shaqooyinka, hadda waxaan kala xaajoonay xirfadlayaasha iyo Shaqaalaha Soomaaliyeed in loo furo suuqa Shaqada ee dalkaas.”
Wasiir Duraan, waxaa socdaalkan ku weheliya saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyadoo muddada ay halkaa ku suganyihiin kulamo la qaadanaya saraakiisha sare ee Dalkaas.
Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]
Madaxwayne Mustafe cagjar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Addis Ababa
1/25/2021 3:50 PM EST
Isniin, Janaayo, 25 2021 (HOL) - Waxaa maanta gaaray caasimadda dalka ee Addis Ababa wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida Mustafe cagjar.
Jubbaland oo beenisay in maxaabiis looga qabtay dagaaladii ka dhacay magaalada Balad-xaawo
1/25/2021 10:47 AM EST
Isniin, Janaayo, 25 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siinayay VOA Somali ayaa beeniyay in dowladda federalka Soomaaliya ay gacanta kaga dhigtay ciidamo Jubbaland oo ka qeyb qaatay dagaaladii xalay iyo maanta ka dhacay Balad-xaawo.
Dowladda Kenya oo ka hadashay dagaalka Beled-Xaawo
1/25/2021 9:57 AM EST
Isniin,, Janaayo, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay walaac ka qabto dagaalka ka soo cusboonaaday degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo sida ay sheegtay Kenya wax aan badneyn u jirta xudduuda ay wadaagaan Soomaaliya.
Madaxweyne Deni iyo James Swan oo Garowe kaga wada hadlay khilaafka ka taagan doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa
1/25/2021 8:27 AM EST
Isniin, Janaayo, 25 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Garoowe ku qaabilay oo kula kulmay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxda Hay’addaha WFP, UNHCR iyo UNWOMEN.
Dowladda Soomaaliya oo sharuud ku xirtay ganacsatada Qaadka kasoo dhoofsada Kenya
1/25/2021 8:19 AM EST
Isniin, Janaayo, 25 2021 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa shaaciyay dowladda Soomaaliya in aysan dalka ka mamnuucin ganacsiga Qaadka, balse ay doonayso dadka qaadka soo dhoofsada in ay raacaan sharuucda ganacsiga.
Dowladda Itoobiya oo ka digtay warar laga faafiyay caafimaadka Abiy Ahmed
1/25/2021 8:10 AM EST
Isniin, Janaayo, 25 2021 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aysan waxba ka jirin warar saacadihii ugu danbeeyay qabsaday baraha bulshada oo ka la xiriiray caafimaadka Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed oo la sheegay in ay uu aad u liito.
Shirwaynaha Maalgashiga Dowlad Degaanka Soomaalida oo maanta Jigjiga ka lagu qabtay
1/25/2021 5:46 AM EST
Isniin, Janaayo, 25 2021 (HOL) - Waxaa magaalada Jigjiga ka furmay shirwaynaha maalgashiga degaanka Soomaalida oo ay kasoo qaybgaleen Maalgashadayaal u badan Soomaali, iyo martisharaf kasocotay heer caalami.
Dowladda oo sheegtay in weerarkii Beled-Xaawo ay qeyb ka ahaayeen ciidamo Kenyaan ah
1/25/2021 5:08 AM EST
Isniin, Janaayo, 25 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo afjartay sida uu hadalka u dhigay weerar xalay saqdii dhexe degmada Beled-Xaawo ay ku soo qaadeen ciidanka Kenya iyo maleeshiyaad fallaago ah oo ay soo tababareen.
Shan Carruur ah oo ku dhintay Hoobiye ku soo dhacay gurigooda degmada Beled-Xaawo
1/25/2021 3:47 AM EST
Isniin, Janaayo, 25 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in shan carruur ah ay ku dhinteen madfac ku dhacay gurigooda.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay ka hortagtay hub culus oo la doonayay in dalka la soo galiyo
1/25/2021 12:55 AM EST
Isniin, Janaayo, 25, 2021 (HOL) - Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ka war heshay islamarkaana ka hortagtay hub culus oo la doonayay in la soo galiyo dalka.
Dowladda Soomaaliya'' Waxaan cambaareyneynaa duulaanka gardarada ah ee laga soo abaabulay Kenya
1/25/2021 12:31 AM EST
Isniin, Janaayo, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay wax ay ku tilmaamtay duulaan gardaro ah oo laga soo abaabulay dalka Kenya kaddib dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo
Maareeyihiin dekedda Kimaayo oo xalay ku dhintay is rasaaseyn dhaxmartay ciidanka Jubbaland
1/25/2021 12:10 AM EST
Isniin, Janaayo, 25, 2021 (HOL) -Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay uu ku dhintay Maareeyihiin dekedda magaalada Kismaayo Cawil Cali Barre is rasaaseyn dhaxmartay ciidamo ka tirsan dowlad gobolleedka Jubbaland.
Dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaal ka dhacay degmada Beled-xaawo
1/25/2021 12:05 AM EST
Isniin, Janaayo, 25, 2021 (HOL) - Dagaal culus oo dhaxmaray ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa lagu waramayaa in uu xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.
Somali News
SNA troops, Jubaland regional forces clash near Somalia-Kenya border ahead of polls
-
HOL
1/25/2021 4:22 PM EST
Mogadishu (HOL) - Intense fighting in a Somali town near the Kenyan border between Somali forces and Jubaland forces loyal to Abdirashid Janan on Monday resulted in the deaths of 11 people and the detention of nearly a hundred Jubaland militia fighters, according to Somalia's federal government.
SOMA conducted Safety and Election Coverage Training Workshops For Journalists in Baidoa and Jowhar
-
SOMA
1/25/2021 3:03 PM EST
A four –day training workshops on two separate occasions has been conducted in both Baidoa city , South West State and Jowhar city, Hirshabelle State of Somalia respectively.
Frank Lampard: Chelsea sack manager with Thomas Tuchel expected to replace him
-
BBC Sport
1/25/2021 10:55 AM EST
Chelsea have sacked manager Frank Lampard after 18 months in charge, with former Paris St-Germain boss Thomas Tuchel expected to replace him. Lampard, 42, leaves with the club ninth in the Premier League after last week's defeat....
Kenya writes to AU over Bula Hawa fight between Somalia forces
-
Nation Africa
1/25/2021 10:05 AM EST
Kenya on Monday wrote to the African Union (AU), raising security concerns after Somalia’s federal and regional forces renewed fighting at Bula Hawa in Gedo near Mandera County.
Update : Five children killed in motor shell attack as fighting escalates in Belet-Hawo
-
HOL
1/25/2021 4:20 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Five children from the same family were killed in the ongoing fighting between federal and Jubbaland forces in Belet-Hawo after a motor shell landed in their house, medical sources have said.
Somali gov't says it intercepted weapons from Kenya-backed bandits
-
HOL
1/25/2021 1:49 AM EST
Mogadishu (HOL) - The Federal Government of Somalia strongly condemned what it described as an act of aggression from Kenya-backed bandits.
Fresh fighting breaks out in Belet-Hawo, Somalia says Kenya behind it
-
HOL
1/25/2021 1:39 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Fighting broke out in Belet-Hawo Sunday night between Somali military and forces allied to Jubbaland government prompting another round of accusations against Kenya by the Federal Government.
Bring back Cuban doctors, Lamu residents plead with state
-
The Star
1/25/2021 12:25 AM EST
Lamu residents are pleading with the national governments to bring back Cuban doctors so as to help improve the deplorable health sector in the region.
Trump’s travel bans caused heartache and suffering. For what?
-
Washington Post
1/25/2021 12:18 AM EST
When you think about the Trump administration’s travel bans, think about Hussein Saleh. A U.S. citizen of Yemeni descent, Saleh, 34, has not seen his Yemeni wife and two sons for more than two years after their family was separated when President Donald Trump decided to bar virtually all entry to citizens from a handful of Muslim-majority countries,
Police kill al-Shabab militant in northeast Kenya
-
Xinhua
1/25/2021 12:09 AM EST
Kenyan police killed an al-Shabab militant and recovered money, a rifle and handset radio during a fierce gunfight in Mandera county,