4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2021
Maareeyihiin dekedda Kimaayo oo xalay ku dhintay is rasaaseyn dhaxmartay ciidanka Jubbaland

 

Isniin, Janaayo, 25, 2021 (HOL) -Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay uu ku dhintay Maareeyihiin dekedda magaalada Kismaayo Cawil Cali Barre is rasaaseyn dhaxmartay ciidamo ka tirsan dowlad gobolleedka Jubbaland.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamo ka kala tirsan Nabad-sugida iyo Booliiska Jubbaland ku dagaalameen Barkoontarool oo aan ka fogeyn hoyga uu magaalada ka degenaa Maareeyaha oo ay haleeshay rasaas habow ah taasoo keentay in uu u geeriyoodo.

Sidoo kale rasaasta ay is weydaarsadeen dhinacyada dagaalamay ayaa waxaa ku dhintay dad kale oo rayid ah.

War ka soo baxay dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in ay baarayaan sababta geerida maareeyaha iyo rasaasta uu ku dhintay intaba.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]