4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2021
James Swan oo madaxweynaha Galmudug ku dhiirri galiyay inuu sii wado isku dayga lagu xallinayo khilaafka doorashada
 

Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Jamed Swan, ayaa madaxwenynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor ku ammaanay isku dayga lagu xallinayo khilaafka ka dhashay hirgelinta qorshaha doorashada.

Danjire James Swan oo madaxweynaha Galmudug kula kulmay Dhuusomareeb, ayaa ku dhiirrigeliyey inuu sii wado doorka uu ka qaadanayo joogteynta xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah,

“Waxaan mar kale ku ammaanayaa dadaalka Madaxweyne Axmed Kaariye ee isku dayga lagu xallinayo khilaafka ka dhashay hirgelinta qorshaha doorashada, waxaana ku dhiirrigeliyey inuu sii wado doorka uu ka qaadanayo joogteynta xiriirka u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka", ayuu yiriJames Swan .

Wakiilka Qaramada Midoobay iyo madaxweynaha Galmudug ayaa ka wada hadlay u diyaar garowga doorashooyinka iyo muhiimada ay leedahay in la xaliyo khilaafaadka taagan si hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo ay uga dhacdo guud ahaan dalka.

Wuxuu ku celiyey aragtida beesha caalamka ee ah "is afgarad, wax wada qabsi, iyo wax walba laga hormariyo wanaaga dalka, si loo hubiyo in Soomaaliya ay ku sii socoto wadada cad ee nabadda iyo xasiloonida.

"Waxaan ka codsaneynaa dhamaan hogaamiyaasha Soomaaliya in ay sameeyaan dadaal kasta oo ay ku galayaan wadahadal loo dhan yahay, si doorashooyinka qaranka loogu qabto is afgarad balaaran, oo salka ku haya heshiiskii Sebtember 17-keedii, ayuu hadalkiisa ku daray Swan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]