4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2021
Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo shir Muqdisho uga furmay

 

Axad, Janaayo, 24  2021 (HOL) - Shirkan oo ay ka soo qeybgalleen dhamaanba xubanaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa looga wada hadlayaan mudo Afar maalmood ah oo uu socon doono wixii u qabsoomay guddigan muddadii uu soo dhisnaa.

Guddoomiyaha guddiga Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yareey] oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in ay shirkan leys kula eegi doono wax-yaabihii u qabsoomay guddiga oo sida ay hadalka u dhigtay muddadii uu jiray soo qabtay shaqo wanaagsan iyo meelmarinta qorshayaal dhowr ah oo u dajisnaa, inkastoo dhinaca kale ay jireen caqabado dhinaca siyaasadda ah oo ka hor yimid.

Waxaa ay sidoo kale sheegtay in kulankani uu dhiiri-galin u yahay dardar galinta howlaha culus ee wali hor yaala howlwadeennada iyo qorshaha Guddiga ee sanadkan 2021-2025, madaama guddiga howlaha loo idmaday tahay in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]