4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2021
Xubno ka tirsan Urur Islamic ah oo looga dhawaaqay dalka Itoobiya oo gacanta lagu dhigay

 

Axad, Janaayo, 24  2021 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay xubnaha Urur la baxay Islamic State Center oo looga dhawaaqay gudaha dalka Itoobiya.

Ururkan ayaa lagu waramayaa in uu xiriir dhaw la leeyahay Kooxda Daacish iyo Xarrakada Al-shabaab, iyaga oo tallaabooyinka ilaa iyo hadda ay qaadeen lagu tilmaamay in ay dadka ku dhiiri-galinayeen in aysan wax canshuur ah siin dowladda Itoobiya.

Xubnaha ay dowladda Itoobiya gacanta ku dhigtay oo gaaraya illaa 25 qof ayaa la sheegay in ay isticmaalayeen magacyo carbeed.

Maxamed Rashaad oo ka mid ah xubnaha sar sare ee Ururka ayaa warbaahinta u sheegay in ururkoodu uu xiriir fiican la leeyahay urarrada Al-Shabaab iyo Daacish, oo sida uu hadalka u dhigay ay isku fikir yihiin.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ururka Al-shabaab iyo Daacish oo la xiriira xubnaha la qabtay iyo Ururka Islamic ah ee la sheegay in looga dhawaaqay dalka Itoobiya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]