4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaalo Xalay ka dhacay degmooyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi
 

Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay Xalay ku qaadeen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab degmooyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaaday degmada Buulaburte halkaas oo uu dagaal qaraar ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowlada Soomaaliya.

Guddoomiyaha amniga degmada Buulaburte  Cismaan Geedi oo Warbaahinta la hadlay maanta ayaa sheegay in weerarka ay Al-shabaab Xalay kusoo qaadeen degmada ay iska difaaceen waxuuna sheegay in dagaalkaasi uu kaga dhintay dhankooda hal askari dhaawacna uu kasoo gaaray Sarkaal lagu magacaabo Axmed Buuniye oo horay u ahaa Abaandulahii ciidanka militariga degmadaasi.

Guddoomiye Geedi ayaa intaa ku daray iney jab xoogan u geysteen ciidankii soo weeraray oo ay ka dileen ilaa 5 askari waa sida uu hadalka u dhige, inkasto aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya qasaraaha uu sheegtay iney Shabaab gaar siiyeen guddoomiyaha amniga degmada Buulaburte.

Dhinaca kale dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa sidoo kale xalay saqdii dhexe weerar kale ka geystay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan kuwaas oo si toos ah u weeraray Saldhiga ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ku leyihiin degmadaasi.

Dagaalka xalay ka dhacay degmada Jalalaqsi ayaa la sheegay inuu ahaa mid xoogan oo socday ku dhawaad hal saac kaaso hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada oo la hadlay Shabakadda HOL ayaa u xaqiijiyay in weerarka uu ku koobna Saldhiga ciidamada Jabuuti inkastoo uusan inoo sheegin wax qasaare ah oo ka dhashay weerarkaasi.

Weerarka Al-shabaab ee degmoyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi ayaa imaanaya xili Shabaab habeen ka hor ay la wareegeen degmada Raage Ceelle oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]