4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2021
Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday askari katirsan ciidanka koonfur galbeed
 

Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - Askari katirsan ciiddanka booliiska koonfur galbeed ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu helay inuu dilay qof shacab ah sanadkan.

Maxkamad Milateri oo fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo ayaa ku dhawaaqday Cismaan Ibraahim Cabdi oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in lagu helay dilka Axmed Madnuur Mursal oo uu ku dilay magaalada Baydhabo bishaan gudaheeda.

Garsooraha maxkamadda Aadan Maxamed ayaa sheegay in maxkamaddu ay caddeysey in Cismaan uu mas'uul ka ahaa geerida marxuumka oo uu ku dilay suuq ku yaal magaalada Baydhabo.

Maxkamada ciidamada ayaa horay xukunno dil ah ugu riday askar katirsan ciiddanka dowladda oo dil u geystay dad shacab ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]