Taliyayaal loo xiray falkii xalay lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan

 

Khamiis, Janaayo, 21  2021 (HOL) - Waxaa soconaya baaritaan la xiriira dil xalay saqdii dhexe degmada Hodan ee gobolka Banaadir loogu geystay guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun.

Laamaha nabad-galyada ayaa su'aalo weydiinaya oo soo xiray taliyayaashii saldhigyada booliiska degmooyinka Howl-wadaag iyo Waabari, sidoo kale waxaa iyaguna xabsiga loo taxaabay ciidamadii ku sugnaa barta-koontarool ee lagu rasaaseeyay gaariga uu la socday guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa xiliga la dilayay marayay degmada Howl-wadaag waxaa la sheegay in ay rasaas ku fureen gaarigiisa ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Shaley ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho isaga oo ka yimid dalka Turkiga oo looga soo daweynayay dhaawacyo ka soo gaaray qarax sanadkii hore lagu weeraray gaari uu la socday.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    






Khamiis, Janaayo, 21, 2021 (HOL) - Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta lugu dhigay saraakiishii iyo ciidankii ku lugta lahaa dilka guddoomiyihii degmada Hodan oo xalay waqti danbe lagu dilay degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

Khamiis, Janaayo, 21 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa si adag uga hadlay dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu geystay guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Khamiis, Janaayo, 21 2021 (HOL) - Wakiilada beesha caalamkan ayaa maanta kulan khadka internetka kula qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni, iyagoo ka wada hadlay xal u helida caqabadaha doorashooyinka.

Khamiis, Janaayo, 21 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta soo saartay go’aan lagu mamnuucayo lacagaha shilin Soomaaliga ee la isaga kala safriyo gobolada Puntland, waxaana lagasoo saaray awaamiir laamaha amniga lagu farayo in talaabo laga qaado ciddii lagu helo.

Khamiis, Janaayo, 21, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar dhabo gal ah ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Khamiis, Janaayo, 21, 2021 (HOL) -Warar ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay wariyayaasha kala ah Maxamed Cabdiwali Tooxoow iyo Cabdullaahi Warsame Rooble oo labaduba ka howlgal deegaannada Galmudug.

Khamiis, Janaayo, 21, 2021 (HOL) - Joe Biden madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka ee maalintii shalay xafiiska loo dhaariyay ayaa xalay soo saaray go'aamo waaweyn oo uu ku laalayo tallaabooyin uu horay u qaaday madaxweynihii ka horeeyay ee Donald Trump.

Khamiis, Janaayo, 21, 2021 (HOL) - Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun ayaa xalay saqdii dhexe lagu dilay magaalada Muqdisho kaddib rasaas ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku fureen gaari uu la socday.

Somali News

1/21/2021 8:23 AM EST
Mogadishu (HOL) - The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Mohamed Hussein Roble, strongly condemned the Hodan district commissioner's assassination in Mogadishu last night.

1/21/2021 6:14 AM EST
President Biden, in one of his first moves in office, reversed the immigration restriction put in place by the Trump administration covering five Muslim-majority nations — Iran, Libya, Somalia, Syria and Yemen — as well as North Korea and some government officials from Venezuela.

1/21/2021 6:08 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Somali Parliament has demanded explanation from President Mohamed Farmaajo on the whereabouts and state of hundreds of Somali youth who were reportedly undergoing military training in Eritrea.

1/21/2021 5:44 AM EST
The militant group al-Shabab is claiming responsibility for a landmine explosion in Somalia's capital, Mogadishu, that killed four people.

1/21/2021 2:06 AM EST
MOGADISHU (HOL) - A district official who survived a bomb attack on his car and underwent successful treatment in Turkey was gunned down Wednesday night in Mogadishu.

1/21/2021 12:33 AM EST
MANKATO — For Somali families settling in Mankato, a dizzying array of the unfamiliar and confounding confronts them — language, schooling, culture.

1/21/2021 12:28 AM EST
It aims to expand Somali economy, improve lives of farmers, says EU ambassador

1/21/2021 12:14 AM EST
Just hours into his presidency, Joe Biden signs string of executive actions reversing key Trump administration policies.
Click here