4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2021
Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose

 

Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Kaddib howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay kula wareegeen deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose kuwaa oo markii hore gacanta ugu jira xoogagga Ururka Al-shabaab.

Gobolka Jubbada hoose ayaa ka mid ah meelaha ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada ururka Al-shabaab oo weerarro kala duwan ku qaadan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Deegaannada ay howlgalka ka sameeyeen ciidamada ayaa waxaa ka mid ah  Beer-xaani,Cabdi dhoore, Qudus iyo Liba kuus oo ay saaraakiishu sheegeen in gabi ahaanba ay kala wareegeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Intii uu howlgalkku socday ayeey sidoo kale saraakiisha ciidamadu sheegeen in ay qabteen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku sugnaa deegaannada howlgalka laga fuliyay.

Ma jiro dhinaca Ururka Al-shabaab wax war ah oo ka soo saareen sheegashada saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Jubbada hoose.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]