4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2021
Maleshiyaad hubeysan oo wade gaari ku dilay xaduudka Itoobiya iyo Hiiraan
 

Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Maleeshiyaad hubeysan ayaa barqanimadii maanta ku dilay deegaanka Ceel habreed oo ku yaala xaduuda ay wadagaan Itoobiya iyo Hiiraan wade gaari oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdixakiin Xaanshi.

Marxuumka maanta la dilay ayaa waday gaari nooca xamuulka qaado kaasoo kusoo wajahnaa magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan isagoo kasoo ambabaxay magaalada Berbera ee gobolka Togdheer waxaana loo dilay marxuumka arrimo la xariira aano qabiil.

Dilka wadahan gaari ayaa imaanaya xili bishii lasoo dhaafay ee Disembar siyaabo kala duwan loogu dilay wadada laamiga ah gaar ahaan inta u dhaxeysa magaalooyinka Matabaan iyo Gurceel oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud kuwaas oo dilalkoodu ku saleysnayeen aargoosi aanoyin qabiil ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]