4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

 

Axad, Janaayo, 17, 2021 (HOL)-Ra'iisal Wasaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Cali Guudlaawe.

Ra'iisal Rooble iyo madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa lagu waramayaa in ay ka wada hadlleen arrimo dhowr oo ay ka mid yihiin dardargalinta doorashooyinka dalka, sugida nabadgalada iyo waliba hormarinta deegaannada Hirshabeelle.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa ka mid ah madaxweynayaasha qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada dalka oo Muqdisho u joogay wadahadlada la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana uu ka mid ay madaxda sida weyn ugu dhaw marka la eego xukuumadda Soomaaliya.

Xukuumadda ayaa dhawaantan kula balantay saddexda madaxweyne dowlad gobolleed ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed in ay bilaabaan doorashada xubnaha Aqalka Sare arintaa oo aan wali dhaqan-gal noqon

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]