4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2021
Laftagareen oo balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan go'doominta looga qaadayo degmada Xudur

 

Axadi, Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen oo ku sugan degmada Xudur ayaa kulan la yeeshay maamulka iyo waxgaradka qeybo ka mid ah deegaannada gobolka Bakool.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa sidii looga arinsan lahaa xaalada adag ee soo food saartay guud ahaan Bakool gaar ahaan degmada Xudur oo ay go'doomiyeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed oo faah faahin ka bixiyay kulanka ay la qaateen madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in ay madaxweynaha la wadaageen warbixinta xaalada nolaleed ee degmada isaga oo intaa ku darray in madaxweynuhu balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban doono go'doominta degmada ay ku hayaan Ururka Al-shabaab.

Xudur ayaa muddo ku dhaw sideed sano wajaheysa xaalad adag oo dhinaca nolasha ah kaddib markii Al-shabaab ay isku hortaageen wixii maciishad ah ee gali lahaa degmada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]