4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 16, 2021
Afar Wariye oo xabsiga loo taxaabay Somaliland

 

Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Awdal ayaa sheegay in subaxnimadii hore ee saakay xabsiga loo taxaabey Afar Wariye oo ka howlgalayay magaalada Boorame.

Wariyeyaasha xabsiga la dhiggay ayaa kala ah Axmed Diiriye Ciiltire, Xuseen Caateeye, Shucayb Maxamed Kaahin iyo Cabdillaahi Daahir Wacays, waxaana ay ku eedeysan yihiin ay faafiyeen warar been abuur ah.

Warbaahinta Gobolka Awdal ayaa maalmihii u dambeeyay qoraysay in Maayirka Boorama  Saleemaan Xasan Xaadi uu u baxsaday dhanka Dalka Jabuuti, wallow uu maayirku beeniyay warkaasi.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]