4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 16, 2021
Weerar habeen hore lagu qaaday saldhig ku yaala gobolka Tajura ee dalka Jabuuti

 

Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Diowladda Jabuuti ayaa cambaareysay weerar habeen hore lagu qaaday saldhig ku yaala gobolka Tajura waxaana ay ku baaqday dib loo soo celiyo xasiloonida gobolka.

Wararku waxaa ay sheegayan in weerarka uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidamada janda-maariiga ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada ee Tajuura.

Weerarka ayaa yimid kaddib markii koox hubeysan ay rasaas ku furtay ciidamadii joogay saldhigga.

Ilaa hadda lama garanayo kooxda weerarka ku qaaday saldhiga iyadoo ciidamadii halkaa ku sugnaa rasaas ku wajaheen xoogagga weerarka soo qaaday.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]