4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 16, 2021
Dowladda Britain oo shaacisay inay Soomaaliya u tababartay 500 askari
 

Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) - Dowladda Ingiriiska ayaa Soomaaliya u tababartay 113 askari oo ah dufcadii ugu dambeysay oo qeyb ka ah guud ahaan 500 askari oo qeyb ka qaadandoona la dagaalka Alshabaab iyo xaqiijinta xasilloonida dalka.

Tababarkan oo soconayay muddo sideed toddobaad ah ayaa waxaa loogu talagalay in lagu diyaariyo saraakiisha iyo askarta ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) si ay howlo amni uga fuliyaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, si looga hortago qatarta Al-Shabaab iyo ururada kale ee ee hubaysan.

Waa dufcadii shanaad oo ay tababartay dowladda Ingriiska tan iyo markii Ingiriisku bilaabay tababarka ciidamada Soomaaliya bishii Sebtember 2019.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa sidoo kale siisay ciidanka XDS gaadiid dagaal una dhisaysa xero ciidan oo laga hirgalinayo Baydhabo oo qaadi karta 450 askari.

“Talaabadan waxay muujineysaa sida ay Britain uga go’an tahay inay Soomaaliya ka caawiso sugida amniga iyo xasilloonida dalkeeda, iyadoo lala dagaallamayo kooxaha argagixisada ee halista ku ah danaha UK ee gudaha iyo dibaddaba,” ayuu yiri wasiirka ciidamada UK, Forces James.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ballanqaaday in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo qorshuhu yahay in ay labo jibaarto tirada ciidamada Soomaaliya ee ay tababarayso sanadkan 2021.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]