4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 15, 2021
Shacabka degmada Xudur oo wajahaya xaalad adag oo dhinaca nolasha ah

 

Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) - Isku soo bixi ugu ballaarnaa taariikhda inta la xasuusto oo ay dhigeen maamulka, shacabka iyo waxgaradka degmada ayeey ku dalbadeen dadka reer Xudur in  laga dulqaado cunqabateynta muddada dheer saaran magaalada.

Waxaa xiran oo ay go'doomiyeen Al-shabaab dhamaanba dariiq-yadii ay degmada u marayeen gaadiidka sita noocyada kala duwan ee badeecooyinka gaar ahaan raashinka, taasoo keentay in dadka degmada ay soo food saarto  daruuf nolaleed tii ugu xumeyd iyaga oo sheegay in meelaha qaar dadku dhimasho qarka u saaran yihiin.

Mas'uuliyiintii ka hadashay isku soo baxa ayaa sheegay in aysan wali garan sababta madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ciidamada iyo dhaqaalihii Qaranku lahaa ugu dirayo Gobollo kale oo ay Gedo ka mid tahay xili dhinaca kale dadka reer Xudur u dhibaateysan yihiin oo kaliya in loo furo jidadkii ay u soo mari lahaayeen wax ay quutaan shacabka iyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada.

''Mudane Madaxweyne maxaa keenay Hiiraan oo ay joogaan ciidamo AMISOM ah oo isugu jira Itoobiyaan iyo Jabuuti  in 24 saac ciidamo kale oo dowladda ka tirsan loo daabulo,  maxaa keenay in Gedo 24 saac ciidamo iyo hub ay dowladdu u dirto, hubkaas iyo ciidamadaas miyeeysan dadka reer Bakool xaqu laheyn in looga dulqaado dhibaatada muddada 8 sano ka badan heysata'' ayuu yiri mid ka mid ah mas'uuliyiintii ka hadashay isku soo baxa.

 

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore dib qabadsiiyay gaadiid sida shixnado kala duwan oo ku sii jeeday degmada Xudur, iyaga oo dhinaca kale uga digay ganacsatada in ay badeecaddooda u iibgeeyaan degmada.

Dibadbaxayaasha ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Ardeyda Dugsiyada Waxbarashada Degmada oo sheegay in xitaa ay waayeen agabkii ay wax ku barran lahaayeen oo badeeco ahaan u soo gali jiray dagmada.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo arintan ka hadlay dhankiisa ayaa ku taliyay in la sii daayo Mukhtaar Rooboow Abuumasuur oo dowladda u xiran si uu la dagaalamo Al-shabaab madaama ayuu yiri uu yahay shaqsiga kaliya ee tabtooda dagaal yaqaanna.

Deegaannada Koonfur Galbeed waxaa ka howgala ciidamada  ka tirsan dowladda iyadoo sidoo kalana ay ku suga yihiin saraakiisha qeybaha kala duwan ee ciidamada kuwaa oo loogu baaqay dhankooda in ay wax ka qabtaan cabashada shacabka ku dhaqan degmada Xudur.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]