4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 14, 2021
James Swan oo ka hadlay ujeedada safarkiisa Baydhabo

 

Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay kulan uu la yeeshay madaxweynaha Koonfur Galbeed.

James Swan waxaa uu muujiyey tixgelinta uu u hayo dadaallada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ee ku aaddan doorashooyinka dalka, waxa uuna carrabka ku adkeeyey wakiilku baahida loo qabo dereen is-afgarad iyo wada-shaqeyn si horay loogu sii socdo.

Socdaalka James Swan ayaa qeyb ka ah dadaallada beesha caalamka ee la xiriira sidii leysugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada ku kala durugsan hannaanka loo wajahayo doorashada dalka oo muuqata si weyn loogu kala fog yahay.

Doorashadan waxaa ka biyo diiday oo wali ka maqan dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo tirsanaya in wali dowladda ka biyo diidan tahay wax ka qabashada doorashada ka hor arrimaha leysku hayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]