4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 14, 2021
Sacuudi Carabiya oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalal ay Soomaaliya ku jirto
 

Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Sacuudi Carabiya ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay ogolaansho la'aan u safraan 12 dal oo uu saameeyay coronavirus, ilo rasmi ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay.

Xogta ayaa sheegeysa in wadamadaasi ay kala yihiin Libya, Syria, Lebanon, Yemen, Iran, Turkey, Afghanistan, Armenia, Somalia, Congo, Venezuela, iyo Belarus.

Warku wuxuu intaa ku daray in go'aanka loo qaatay sababo la xiriira xasillooni la'aan ka jirta waddamadaas iyo ka feejigaanta soo ifbaxa nooc cusub oo fayraska Covid19.

Go’aankaan ayaa kusoo aadaya kaddib markii Sacuudi Carabiya uu helay toban kiis oo ah noocyada cusub ee coronavirus, Afhayeenka Rasmiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee Saudi Arabia ayaa sheegay Khamiistii hore.

Wasaaradda Caafimaadka ee Sacuudi Carabiya ayaa intaa ku dartay in dhammaan kiisaska la helay dadka qaba la go'doomiyey.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]