4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 14, 2021
Mareykanka oo duqeyn ku burburiyay xarun ay lahaayeen Al-shabaab

 

Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) -War ka soo baxay Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in howlgal ay ka kaashadeen iyaga iyo ciidanka dowladda Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Baay gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Buula Fuulaay.

War ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaas  lagu dilay xubin ka tirsan Ururka Al-shabaab sidoo kalana lagu burburiyay mid ka mid ah xarumahoodii deegaanka.

Qoraal ayaa lagu yiri in duqeymaha noocan ah yihiin kuwo wiiqaya ama hoos u dhigaya awood kooxda ururka Al-shabaab oo qatar ku ah Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah intaba.

Waxey sheegeen in qorshahoodu yahay in ay waayaan kooxdan meel amaan ah oo ay ku dhuuntaan.

Mareykanka ayaa sii wada duqeymaha uu ka geysanayo Soomaaliya, waxaana marar badan oo hore lagu eedeeyay in duqeymaha noocan ah Mareykanku ku wax-yeeleeyaan dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada ay gacanta ku hayaan Ururka Al-shabaab

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]