1/20/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 13, 2021
Akhriso Magacyada dadkii shacabka ahaa ee maanta lagu laayay gobolka Galgaduud


 

Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL) - Deegaanka Xirsi Lugeey oo ah deegaan hoostaga degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud oo maanta lagu dilay dad shacab ah kadib markii maleeshiyaad hubeysan aay weerar ku qaadeen dadka shacabka ee lagu laayay deegaanka Xirsi Lugeey.

Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa lagu dilay weerarkaasi waxaana dhaawac uu kasoo gaaray laba kale oo dhaawacoodu lageeyay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dadka shacabka ah ee lagu dilay weerarka oo aay Shabakadda HOL heshay magacyadooda ayaa kala ah.

Cabdiyare Maxamed Ow Faarax

Cali Dheere Xirsi Cawaale

Gaarane Cawil Samatar

Cadawe Xersi lugeey      

Cabdi Xersi Carab Kaahiye

Dadkaan la laayey ayaa wararka hoose ee la helaayo waxay sheegayaan iney la xiriirto dilkooda aanooyin qabiil.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaas oo lasoo gaarsiiyay qaar ka mid ah dadkii kusoo dhaawacmay weerarkan dadka shacabka ah lagu laayay.

Waxaa weerarkaan dadka lagu dilay ka tacsiyeeyay madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug iyo Xildhibaan Mahad Salaad kuwaas oo ku baaqay in deg deg loo soo qabto dadkii ka dambeyay weerarka dadka shacabka ah lagu laayay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/13/2021 2:05 PM EST
Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL) - Qof ayaa dhintay mid kalena waa dhaawacmay kadib markii dabley hubaysan ay rasaas ku fureen jidka u dhexeeya Laascaanood iyo Buuhoodle duleedka tuulada Yeyle fiidnimadii caawa.

1/13/2021 12:01 PM EST
Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL) -Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa galabnimadii Arbacada shaaciyay geerida Wasiirkii hore ee arimaha dibada Itoobiya, Seyoum Mesfin intii uu socday dagaal ka dhacay waqooyiga gobolka Tigray ee dalkaasi.

1/13/2021 10:30 AM EST
Talaado, Janaayo, 13 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka tacsiyeeyay weerar maanta ay koox maleyshiyo ah ku laayeen dad shacab ah oo ku noolaa Tuulada Xirsi Lugeey ee Duleedka Dagmada Balanbale.

1/13/2021 9:58 AM EST
Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Cadaallada Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Jaamac oo warbaahinta la hadlay ayaa u digay dadka cadaallada u doonta Maxkamada Al-shabaab ee ka dhisan deegaannada ka baxsan dhulka ay dowladdu maamusho.

1/13/2021 7:55 AM EST
Talaado, Janaayo, 13 2021 (HOL) - Safiirkii ugu horeeyay ee Mareykan ee Soomaaliya Stephen M. Schwartz (2016-17) tan iyo 1991 kadib, ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka, Joe Biden inuu ka noqdo go’aanka ciidamada Maraykanka uga baxayaan Soomaaliya uuna dejiyo siyaasad iyo istiraatiijiyad u gaar ah Soomaaliya.

1/13/2021 5:16 AM EST
Talaado, Janaayo, 13 2021 (HOL) - Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa u magacaabay Wasiiru-dowlaha Xafiiskiisa Cabdixakiin Xassan Ashkir howlaha doorashada.

1/13/2021 4:17 AM EST
Talaado, Janaayo, 13 2021 (HOL) - Ilhan Cumar oo ah xubin ka tirsan Kongareeska Mareykanka ayaa si kulul ugu eedeysay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in uu ka danbeeyay weerarkii lagu soo qaaday xarunta Capitol Hill

1/13/2021 1:07 AM EST
Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL) - Iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya labada dal Itoobiya iyo Sudan ayeey dolwadda Itoobiya waxaa ay fariin digniin ah u dirtay dhigeeda dalka Sudan oo saacadihii ugu danbeeyay ciidamo soo dhoobtay dhulka ay isku hayaan Itoobiya.

1/13/2021 12:56 AM EST
Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL) - Inta la xaqiijinayo ilaa 7 Askari oo Kenyaaan ah oo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu dilay Qarax miino kaddib markii la bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen Talaadadii shalay.

1/13/2021 12:30 AM EST
Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in dhankooda ay u diyaargaroobeen qabashada doorashada, kaddib markii uu booqday xarun loo diyaariyay in lagu qabto doorashada xubnaha Aqalka Sare.