4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 13, 2021
Galmudug oo ka hadashay weerar dad lagu laayay oo ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Talaado, Janaayo, 13 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka tacsiyeeyay weerar maanta ay koox maleyshiyo ah ku laayeen dad shacab ah oo ku noolaa Tuulada Xirsi Lugeey ee Duleedka Dagmada Balanbale.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa faray laamaha Amniga Federalka iyo kuwa Galmudug in ay sameeyaan howlgalo dagdag ah oo lagu soo qabanayo Maleeshiyaadka gaystay falkii ka dhacay tuulada Xirsi lugeey.

Weerarkan ka dhacay gobolka Galgaduud ayaa lala xiriirinayaa inuu daba socda weerar horaantii bishii December ee sannadkii hore lagu dilay saraakiil katirsanaa ciidanka miltariga Soomaaliya oo kasoo jeeday Balanbale.

Waxay wararku sheegayaan in maleyshiyo ku hayb ah saraakiishaas la dilay ay ka dambeeyaan dadka lagu laayay Tuulada Xirsi Lugeey.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]