4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2021
Madaxweyne QoorQoor '' dalka kama dhici doonto doorasho ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland

 

Talaado Janaayo, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa isaga oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC da sheegay in dalka aysan ka dhici doonin doorasho hal dhinac ah.

Qoor Qoor ayaa ka mid ahaa madaxweynayaashii ku garab istaagay xukuumadda go'aankeedii ahaa in la bilaabo doorashada iyada oo aan waqti kale la soo dhumin karin, hasse ahaatee waxaa muuqata in madaxweynaha Galmudug markan qaatay go'aan ka duwan kii hore.

Madaxweynaha Galmudug ayaa wareysigiisa ku yiri '' “Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho hal dhinac ah oo aan laga wada qeybgaleynin, doorashada waxaa lagu heshiiyay in laga wada qeyb galo, haddii ay jirto tabashooyin waa in la xaliyo, doorasho Puntland iyo Jubbaland ka hareen ama ay ka maqan yihiin sabab ma jirto loo qaban karo, mar walba tabashooyinkii jira in la xaliyo oo doorashada waajib tahay in laga qeyb galo” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhaleeceyn weyn kala kulmay dhinacyada ka soo horjeeda hannaanka doorashada oo sheegay in ay  in uu ka been abuurtay kulankii ugu danbeeyay islamarkaana uusan dhinacooda ku soo celin jawaabtii ay ka sugayeen.

Laakiin mar uu arintaa ka hadlayay ayuu yiri ''Jawaabta waxaan u gudbiyay dad mas'uuliyiin ah oo markii horeba ay iyagu u xil saarteen dadaallada aan wadnay,''

Wali waxaa meel adag maraya khilaafka ka dhashay doorashada oo Dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee saameynta ku leh isku mari layihiin waxaa ay arintani ka dhigtay siyaasadda Soomaaliya mid aan daganeyn.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]