4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2021
XOG: Sarkaal katirsan Al-shabaab iyo ciidamadiisa oo ku biiraya Daacish
 

Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Sarkaal katirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdulfatah Abu bakar Abdi oo loo yaqaano Mousa al Muhajir oo ay wehliyaan 20 kamid ah dagaalyahanadiisa, ayaa wararku sheegayaan inuu ku biirayo  ISIS.

Xogtaan oo ay baahiyeen ilo sirdoon ah ayaa sheegaysa in sarkaalkaan uu ahaa taliye caanka ah ururka Al-shabaab dhexdiisa, balse lama garanayo sababta xilligaan kusoo beegtay inuu ku biirayo ururka Daacish.

Warbixinta laga qoray oo koobnayd waxay tilmaamaysaa inuu fadhigiisu ahaa bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in ku biiristiisa Daacish ay muran ka dhex dhalisay taageerayaasha kooxda Daacish dhexdooda.

Ku biiritaankiisa Daacish ayaa kusoo aadaysa xilli dhawaan Daacish ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Labada koox ayaa dagaallo xooggan ku dhexmareen buuralayda gobolka Bari, halkaas oo ay ku leeyihiin saldhigyo qarsoodi oo kasoo abaabulaan weerarada ka dhan ah maamul goboleedka Puntland.

Hiiraan Online News Disk