4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 11, 2021
Puntland oo xabsi xallaalayn hor leh u jartay weriye u xirnaa muddo 15 cishe ah
 

Isniin, Janaayo, 11 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta xabsi kuyaala Garowe u dhaadhicisay weriye lagu magacaabo Kilwe Aadan Faarax oo muddo 15 cishe ah gacanta ugu jiray hay’addaha nabad sugida Puntland.

Weriyahan ayaa loo gooyay xabsi xallaalayn kadib markii la horgeeyay maxkamada Garowe. Lama oga illaa iyo hadda dambiyada lagu haysto islamarkaana looma oggolaan eheladiisa iyo qareenada u doodaya in ay la kulmaan sida ay HOL u sheegtay xogyaha MAP, Naciimo Muuse Dalaf.

Ururka warbaahinta Puntland ayaa afduub ku timaamay xarriga weriyahan, iyagoo dalbaday in saxafiga haddii loo haysto wax dambi ah la horkeeno caddaalada loona oggolaado qareeno u dooda oo la kulma.

Qaar kamid ah Weriyayaasha Puntland ayaa HOL u sheegay in ay soo wajahday cabsi ku aadan in la xiridoono haddii aysan joojin waxyaabo ay kusoo qorayaan barahooda internetka. Balse xiriir aan la sameynay saraakiil amni waxay iska fogeeyeen arrintaas.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]