4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 10, 2021
7 ruux oo ku dhimatay dagaal dhaxmaray Soomaalida iyo Booranta ku dhaqan Wajeer

 

Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Dagaal hor leh oo dhex marey Soomaalida iyo Booranta ku dhaqan xuduudda gobollada Wajeer iyo Gaarisa ee dalka Kenya ayaa la sheegay inay ku dhinteen toddoba qof.

Sida ay xaqiijiyeen laamaha Amniga Kenya ilaa 7 ruux ayaa ku dhintay dagaalkan oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Gaarisa iyo Wajeer. 

Maamulka gobolka ayaa sheegay in ay siweyn isugu howlanayaan daminta colaadan oo muddo dheerba soo jiimateysay, hasse ahaateen marnaba aan laga maarmin in dowladdu arintan soo faragaliso.

Mas’uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in ay xaaladda ka xun tahay sida loo malaynayo, sidaa daraadeed waxaa ay ugu baaqeen dowladda in sida ugu dhaqsiyaha badan xaalada u soo faragaliso.

Labadan Qowmiyadood ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay goboolka iyaga oo iska dilay tiro dad rayid ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]