4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2021
Puntland oo sheegtay in aan lagala tashan shirka madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay in lagu qabanayo Garowe
 

Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Puntand ayaa sheegtay in aan lagala tashan shirka madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay inuu 15-bishan ka dhicidoono magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, kaasoo looga tashanayo dhameystirka heshiiskii doorashada ee 17-kii september.

War kooban oo goor dhowayd kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayay Puntland ku sheegtay in ay shirkaas soo dhoweynayso, balse waxay ku talisay in lagu qabto magaalada Muqdisho ayna ka qeyb galaan saamileyda siyaasada iyo beesha caalamka

“Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

Mowqifka Puntland ayaa waji gabax ku noqon kara madaxweyne Farmaajo oo wajahaya cadaadis kaga imaanaya beesha caalamka oo ku baaqday in si degdeg ah xal looga gaaro khilaaf ka taagan hirgalinta doorashooyinka qaran.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]