4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2021
Tartanka Ciyaaraha Gobollada iyo Maamul magaalooyinka DDS oo maanta ka furmay Jigjiga


Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay tartanka Gobollada iyo Maamul magaalooyinka degaanka Soomaalida.

Tartankan oo ahaa kii 8aad ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda degaanka u saraysa oo u horeeyo Madaxwayne Mustafe cagjar, Mas'uuliyiin kasocotay Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DDS iyo marti sharaf kale.

Haddaba tartankan ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay dad aad u tiro badan, oo isugu jiray taageerayaasha kooxaha lagu furayay ciyaarta iyo kuwo usoo daawasho tagay ciyaarta.

Tartan ayaa waxaa lagu furay ciyaarta kubadda cagta ee Maamulka magaalada Jigjiga oo ciyaarahan martigalinaya iyo xulka Gobolka Liibaan.

Sidoo kale waxaa dhinaca kale tartan loo qabtay dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo ku tartamayay Orodka iyo Baaskiilka loogu talagalay dadka curyaanka ah.

Tartankan oo lagu furay kooxihii kasocday Maamuka magaalada Jigjjga iyo Gobolka Liibaan ayaa waxaa ku guulaystay kooxdii kasocotay Maamulka magaalada Jigjiga.

Sidoo kale galinkii dambe ee maanta oo iyaguna wada ciyaareen kooxaha Maamulka magaalada Qabribayax iyo Gobolka Jarar, oo ay guushu raacday kooxdii kasocotay Gobolka Jarar.

Ciyaarahan ayaa socon doona ilaa maalmaha soo socda.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]