4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2021
Ciidamada Haramcad oo dad shacab ah ku xirxiray magaalada Baledweyne
 

Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Ilaa afar qof oo dhalinyaro ah ayaa maanta lagu xiray Saldhiga Booliiska Baledweyne kuwaas oo aay ciidamada Haramcad kasoo ka xeysteen Xaafada Xaawa taako gaar ahaan laanta Nuurxawaad.

Dadka aay ciidamada Haramcad maanta soo xirxireen ayaa isugu jiray ganacsato iyo dhalinyaro lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigooda, waxaana la sheegay in qaarkood jirdilo xoogan loo geystay.

Ciidamada Haramcad ee maanta soo xirxiray afarta ruux ee shacabka ah ayaa ah ciidamo dhawaan aay keentay magalada Baledweyne dowladda Soomaaliya waxaana maalmahii dambe si aad ah loogu dhex arkayay ciidamadani wadooyinka waaweyn ee magaalada dhexdeeda ah.

Xariga dhalinyaradan ayaa imaanaya xili aay wali xabsiga Nabadsugida Baledweyne aay ku xiran yihiin muddo ka badan 10 maalmood ilaa 6 ruux oo dhalinyaro ah oo isugu jira 3 Wiil iyo Gabdhood kuwaas oo lagu eedeyay kicin dadweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]