4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo dhagax- dhiggay baallaarinta Isbitaalka Yardimeli

 

Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo wehliyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa ka qeybgalay munaasabad ballaaran oo lagu dhaxdhigayay ballaarinta Isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho.

Mashuruuca ballaarinta Isbitaalka Yardimeli ayaa waxa uu ka koobanyahay 3 dhisme oo kala ah; dhisme Isbitaalka guud oo la dhigi doono 192 sariirood oo isugu jira kuwa la jiifiyo bukaannada xaaladda adag ku jira iyo bukaannada xaalkoodu degdegga yahay, Jaamacad iyo qeyb ay Shaqaaluhu deggaan. 

Isbitaalka oo la furay 2016kii ayaa waxa uu lahaa hal dhisme oo ay wada degenyihiin dhamaan qeybaha kala duwan ee hooyada iyo dhallaanka iyo qeybta Bukaan Jiifka oo ay yaallaan ilaa 109 sariirrood, haddana  ashruucaan cusubi waxaa uu ku kordhin doonnaa sariirro kale oo gaaraya ilaa 192.

Isbitaalka oo ku yaalla Degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdiosho waxa uu u dhowyahay dhowr degmo oo aan markii hore lahayn Isbitaalkal guud, taas ayaana keentay in 2dii sano ee la soo dhaafay uu Isbitaalku  qaabilay in ka badan 120 kun oo bukaan.

Safiirka Turkiga, Mehmet Yelmas. oo munaasabadda ballaarinta Isbitaalka Yardimeli ka hadlayay ayaa yiri"";Ilaa 2011kii waxaan ka shaqeynehnay sidii loo fulin lahaa ballanqaadyadii uu sameeyay Ra'iisal Wasaaraha Turikiga ee xilligaa Rajab Dhayib Ordogan, mana ahan in laga mahad-celiyo ama la sheegsheego waayo waa caawimaad walaal ka timid.

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Cumar Maxamuud Filish, oo hadal mahadnaq iyo bagaadin u badan munaasabadda ka jeediyay ayaa xusay muhiimadda ay Isbitaalkan iyo Erdogan u leeyihiin bulshada Soomaiyeed si gaar ah hooyada iyo dhallaanka. 

Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa sheegay in ay muhiimad gooni ah xikuumaddiisu siineyso adeegga bulshada oo uu Isbitaalku ugu horreeyo, sidoo kale waxa uu ganacsatadda Soomaaliyeed ka codsaday in ay garab istaagaan caafimaadka hooyada iyo dhalaalnka, Isbitaalka Yardimeli waxaa iska kaashaday hirgelintiisa hay’adda Yardimeli oo dalka, Turkiga laga leeyahay islamarkaana ka shaqeysa ilaa 80 dal oo caalamka ah iyo hay’adda maxaliga ah ee Manhal, waxaa uuna ka mid ahaa mashaariicdii ay Dowladda Turkigu u ballan qaadday Soomaaliya markii uu safar dalka ku yimid Ra'iisal wasaarihii xilligaas hadana ah madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dhayib Ordogan sanadkii 2011kii

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]