4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2021
Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay Kutlad Cusub
 

Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee waqtigooda dhamaaday ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho.

kulankan Xildhibaanada ayaa looga hadlay arrimaha cakiran ee siyaasadda sida doorashada dalka  maadama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Markuu soo gabagaboobay kulanka Mudanayaashan ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya  waxaa Saxaafadda la hadlay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo aqriyay Warmurtiyeedka aay kasoo saareen shirkooda maanta.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in kulankoodii maanta aay kaga dhawaaqeen Kutlada badbaadinta Qaranka, waxayna ku dhawaqeen guddi ka kooban 11 Xubnood.

"Madaxweynaha muddo xileedkiisa waa dhamaaday waana ku fashilmayay inuu dalka ka qabto doorasho, waana la heshiin waayay madaxda dowlad goboleedyada" Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa sheegay ineysan marnaba aqbali doonin in madaxda dowlada sameyaan muddo kororsi waxuuna sidoo kale cambareeyay ciidamo uu sheegay in shalay la geeyay xarunta Golaha Shacabka, kana digay inaan markale dib loogu soo celin ciidankaas xarunta Golaha Shacabka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]