4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2021
Guddoomiyaha degmada Baledweyne oo si adag uga horyimid shaqo joojin lagu sameeyay
 

Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Baledweyne Cismaan Dhicisoow Dhuuboow ayaa si cad uga soo horjeestay shaqo joojin uu maanta ku sameyay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiye Dhuuboow ayaa sheegay in sharci darro ay tahay shaqo joojinta uu ku sameeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, isagoona sheegay inuusan shaqada ka joojin karin maadama hal meel laga soo wada magacaabay sida uu hadalka u dhigay guddoomiye Dhuuboow.

" Dhowr jeer ayaa cabasho ka dhan ah Cali Jeyte u gudbiyay madaxda Hirshabeelle taaso la xiriirtay musuqmaasuqa guddoomiyaha maamulka Hiiraan Cali Jeyte, taasi ayaana keentay isku dhaceena iyo inuu shaqo joojin igu sameeyo" Ayuu yiri guddoomiye Dhuuboow

Guddoomiyaha degmada Baledweyne ayaa si toos ah ugu eedeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan inuu musuqmaasuqay qalab gargaar ah oo loo keenay Beeraleyda Baledweyne.

Hadalka iyo eedeynta guddoomiyaha degmada Baledweyne ayaa imaaneysa xili uu maanta soo saaray guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte amar uu shaqada kaga joojinaayo guddoomiyaha degmada Cismaan Dhicisoow Dhuuboow.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]