1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2021
Dowladda oo ka jawaabtay soo jeedinta siyaasiyiinta mucaaradka iyo muddo xileedka dhamaaday ee madaxtooyada

 

Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka jawaabtay eedeymaha uga imanaya mucaaradka iyo muddo xileedka dhamaaday ee madaxtooyada iyo sharciyan cidda ay tahay in ay badasho hay'addaha dowladda ee waqtigoodu dhamaaday.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in marnaba sharciyad ku fadhiyin sida uu hadalka u dhigay hadallada siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Wuxuu sheegay Macalimuu in Baarlamaanka Soomaaliya horay u meel mariyay qaraar dhigaya in hay'addaha dastuuriga ah ee hadda jira sii shaqeynayaa ilaa laga helayo hay'addo kale oo badala kuwaa oo ku imanaya doorasho.

''Baarlamaanku wuxuu horay u meel mariyay in Baarlamaanka hadda jira uu badalayo oo kaliya mid kale oo la soo doortay, madaxda kale ee iyo hay'addaha kale ee dowladdana waa la mid '' ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

Macalimuu ayaa intaa ku darray in mar walba dowladdu diyaar u tahay wada hadal kasta oo lagu xalinayo ismari-waaga doorasho ee jira.

Hadalka afhayeenka xukuumadda ayaa imanaya xili qoraal is daba joog ah oo ka soo baxay midowga musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah looga digay madaxda Qaranka muddo korarsi iyaga oo ugu baaqay madaxweynaha in uu xafiiska banneeyo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]