4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2021
Dhalinyaro ku xiran Baledweyne oo maanta Maxkamad la horgeeyay
 

Isniin,, Feberaayo, 08, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markii ugu horeysay Maxkamad la horgeeyay lix dhalinyaro ah oo maalmahii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsiga Hay'adda Nabad-sugida gobolka Hiiraan oo ku yaala gudaha xerada Lamagalaay ee magaalada Baledweyne.

Dhalinyaradan maanta lasoo taagay Maxkamada Madaniga gobolka Hiiraan ayaa kala ah 3 Wiil iyo 3 Gabdhood kuwaas oo mudo dhowr maalin ah u xiran Hay'adda Nabad-sugida.

Dhalinyaradan ayaa lagu eedeyay iney ka dambeyeen kicin dadweyne iyo abaabulka banaanbaxyo looga soo horjeedo maamulka Hirshabeelle oo ka dhacay magaalada Baledweyne, inkastoo aay dhalinyaradana aay iska fogeeyeen eedeynta uga timid maamulka Hirshabeelle ee la xariirta kicinta dadweyne iyo abaabulka banaanbaxyada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabakadda HOL u sheegay in guddoomiyaha Maxkamadda Madaniga ee gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Taakooy uu dhalinyaradan u jaray warqad xabsi xalaaleyn ah oo loogu gudbinaayo Xabsiga dhexe ee Baledweyne.

Dhalinyaradan lagu eedeyay kicinta dadweyne ayaa dib loogu celiyay xabsiga Nabad-sugida Baledweyne, waxaana dhalinyaradaasi xiran ku jirta Hooyo lagu magacaabo Xamdi Cilmi Loos oo ah Xaamilo bilaheeda dhamadeen lagana cabsi qabo iney ku dhex umusho xabsiga.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]