4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2021
Madaxweyne Muuse Biixi: waxaynu galaynaa doorashadii ugu horaysay, ee aynu inagu ismaamulayno
 


Isniin, Febraayo, 08, 2021 (HOL)- madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan loogu diyaar garoobayo doorashooyinka golayaasha deeganka iyo wakiilada ee qabsoomi doona badhtamaha sanadkan la qaatay badhasaabadda gobolada iyo mayarada magaalooyinka Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashadani ay tahay, doorashadii ugu horaysay ee ay masuuliyadeeda oodhan Somaliland dusha u ridato, isla markaana loo bahanyahay in badhasaabadda goboladu ay masuuliyada qaadan.

“waxaynu galayna doorashadii ugu horaysay ee aynu inagu ismaamulayno, talo ahaan iyo dhaqaale ahanba, cadaw badana waynu leenahay, oo doonaya in uu ina xagal daaciyo, waa arin taariikhi ah masuuliyaduna waxay saarantahay intiina halkaa fadhida, sidaynu ku wada shaqaynaynaana waa sharcigaa lagu heshiiyay”. Ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sidookale ka hadlay, sida loola macaamilayo mayarada talada haya ee dib isku sharaxaya marka doorashada la gaadho. “ waxa loo bahanyahay in hantida qaranka ee ay hayaan anay siday doonaan u isticmaalin, isagoo awoodi magaalada haysta haduu yidhaahdo dadka kalaan la tartamaya waxa inagu waajiba in aynu ka ilaalino in uu hantida dawlada u isticmaalo doorashada, ninkii doorashada galayaa, ama mayar ha ahado ama madaxwayne ha ahaade wuxu la sinmayaa walaaladiisa uu doorashada la galayo,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay in dhamaan masuuliyiinta gobolada iyo cidkasta oo ay khuseyso looga baahanyahay in ay raacan sharciga doorashada.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]