4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2021
Xildhibaannada oo dib u celiyay Ra'iisal Wasaare Rooble oo khudbad ka jeedin lahaa Golaha

 

Isniin,, Feberaayo, 08, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa dib uga laabtay khudbad uu doonayay in uu u jeediyo xildhibaannada Golaha Shacabka taasoo uu kaga hadli lahaa wax qabadka xukuumadiisa muddadii uu xafiiska joogay.

Xildhibaannada qaar ayaa ku dooday in aheyd 24 saac ka hor in la soo gudbiyo ajandaha Ra'iisal Wasaaraha si loo sii ogaado, sidaa daraadeed looga baahan Ra'iisal Wasaaruhu in uu ka laabto hor imaashihiisa Golaha.

Gudoonka Baarlamaanka oo aqbalay soo jeedinta xildhibaannada ayaa markii danbe sheegay in Ra'iisal Wasaaruhu hor iman doono Golaha maalinta Arbacada ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10ka bishan Feberaayo.

Maalin ka hor ayuu madaxweynaha Soomaaliya khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Golaha Shacabka taasoo inteeda badan la xiriirta arrimaha doorashada iyo fashilka ku yimid shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Dhuusa-Mareeb.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]