4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2021
Beesha caalamka oo sheegtay in horumar laga sameeyay shirkii magaalada Dhuusomareeb

Isniin,, Feberaayo, 08, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweeysay dadaalada ay sameeyeen madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro heshiis ku saabsan hirgelinta hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember.

Wada hadalladii lagu qabtay Dhuusa-mareeb, ayay beesha caalamku sheegtay in horumar laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, inkastoo aan  lagu wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa.

“Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan sida ugu dhakhsiyaha badan,”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay saaxiibada Soomaaliya ee caalamka.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in beesha caalamka ay si xiiso leh u dhageysanayeen hadal-jeedintii Madaxweynaha ee Golaha Shacabka 6dii Febraayo, iyagoo hoosta ka xariiqnay sida uu madaxweyne Farmaajo u doonayo inuu sii wado wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, wadahadalladaas oo ujeedadoodu tahay in la isla garto wadiiqo lagu heshiiyey oo loo maro qabashada doorashooyinka.

“Waxaan si xoog leh u taageersannahay wadahadal dheeri ah oo ku qabsooma jawi deggan oo wax lagu dhisayo. Waxaan mar kale hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo aan ahayn kuwa la isku raacsanyahay, oo ay ku jiraan geeddi-socod barbar-socod ah ama doorashooyin dhinac keliya ah oo aan loo dhammayn, ama falal kale oo aan si ballaaran loogu wada heshiin, in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka,” ayay beesha caalamka tiri.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]