4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2021
Wararkii ugu danbeeyay xaalada siyaasadeed ee dalka

 

Isniin,, Feberaayo, 08, 2021 (HOL) Waxaa jirta hubanti la'aan siyaasadeed oo dalku uu wajahayo kaddib markii maaanta oo ay taariikhdu ku beegtay tahay 08 bisha Feberaayo  uu soo idlaaday muddo xileedka madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xafiiska loo doortay maanta oo kale sanadkii 2017da.

Xalay saqdii dhexe ayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho laga maqlay rasaas cirka loo riday taasoo aan la ogeyn sababta iyo cidda rasaastaasi rideysay toona.

Midowga musharixiinta oo iyaguna war ka soo saaray xaalada dalka ayaa sheegay in laga bilaabo maanta aysan u aqoosaneyn Farmaajo in uu yahay madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, halka dhinaca kale siyaasiyiinta taageersan ay ku doodayaan in madaxweynuhu uu badallayo oo kaliya madaxweyne kale oo la doortay.

Ilaa xalay waqti danbe waxaa magaalada Muqdisho ka soconayay kulamo siyaasadeed oo gooni gooni ah, waxaana mid ka mid ahaa kulan ay yeeshay qaar ka mid ah midowga musharixiinta iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyaga oo ka wada hadlay marxalada uu dalku marayo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u ballansan mid ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa iyaga oo ka doodi doona ajandayaal iyo sharuuc mar hore loo soo gudbiyay oo ay tahay in ay meelmariyaan.

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa lagu waddaa in maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 09 bishan uu hortago Golaha Shacabka halkaasoo  isaga oo ka jeedin doona khudbad la xiriirta wax-qabadka xukuumadda uu hoggaamiyo muddadii uu xafiiska joogay.

Beesha caalamku wali kama aysan hadal dhamaadka muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana xusid mudan in wakiilada beesha caalamku toddobadyadii ugu danbeeyay siweyn mashquul ugu ahaayeen qabashada doorasho loo dhan yahay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka mid ah musharraxiinta mucaaradka ayaa sheegay in xaalad hubaanti la'aan ah uu galay dalka, isagoo arintaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay madaxda Soomaalida ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ayaa todobaadkii hore ku soo idlaaday natiijo la'aan, taasoo horseeday in aan wax heshiis ah laga gaarin doorashada la filayay in ay dhacdo.

Madaxweyne Farmaajo oo maalin ka hor khudbad ka jor jeediyay xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa muujiyay rajadiisa ah in ugu danbeyntii heshiis buuxa laga gaaro khilaafka doorashada, inkastoo uu eedeyn ballaaran dusha uga tuuray maamulada Puntland iyo Jubbaland oo uu sheegay in ay mar walba xagal-daacinayeen kulmada lagu doonayay in lagu dhameeyo khilaafka doorashada.

Laakiin xildhibaannada qaarkood ayaa ku eedeeyay madaxweynaha in uu isagu lahaa mas'uuliyada fashilka shirkii Dhuusa-Mareeb kaddib markii uu ku adkeystay in ay dowladda maamuleyso doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee gobolka Gedo.

Si kastaba lama oga saacadaha soo socda sida ay wax isku badali doonaan iyo Ra'iisal Wasaaraha khubadiisa maalinta berri ah uu ku codsan doono muddo kordhin iyo in kale.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]