4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2021
Midowga Musharixiinta oo sheegay in Farmaajo aysan u aqoosaneyn madaxweynaha Jamhuuriyada

 

Isniin, Feberaayo, 08, 2021 (HOL) - Iyadoo maanta uu ku eg yahay muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay afar sano u buuxsantay ayaa war ay soo saareen midowga Musharixiinta waxaa ay ku sheegeen in laga bilaabo maanta aysan u aqoosaneyn Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

Muddo xileedka madaxweynaha ayaa dhamaaday iyadoo dalka uusan u diyaarsaneyn hannaan doorasho dhinaca kalana ay jirto hubanti la'aan siyaasadeed iyo cabsi laga qabo firaaq dowladdeed oo dhaca.

Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay midowga musharixiinta 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]