4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2021
Dibad baxyo lagu taageerayo Abiyi Axmed iyo Xisbiga Barwaaqo oo maanta ka dhacay magaalada Jigjiga


Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) - Waxa maanta magaalada Jigjiga ka dhacay dibad baxyo waawayn oo lagu taageerayay Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed iyo Xisbiga Barwaaqo, kaas oo ay isugu soo baxeen dadwayne aad u tiro badan oo watay boodhadh ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo lagu muujinayo taageerada Abiyi Axmed iyo Xisbiga Barwaaqo. 

Dibad baxan ayaa waxaa kasoo qayb galay Mas'uuliyiinta degaanka u saraysa oo u horeeyo Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida Mustafe cagjar iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Jigjiga. 

Madaxwayne Mustafe cagjar oo khudbad dheer ka jeediyay goobtii ay dadku isugu soo baxeen ayaa ka hadlay faa'iidooyinkii laga dhaxlay isbaddalkii dalka iyo degaanka ka hanaqaaday, iyo waliba tallaabadii laga qaaday Ururkii TPLF ee laga adkaaday. 

Madaxwaynaha ayaa sidoo sheegay in Xisbiga talada haya ee Barwaaqo uu Soomaalida faa'iidooyin badan u keenay, yahayna Xisbiga Soomaalida degaanka wada matala waa siduu hadalka u dhigay Madaxwaynuhu. 

Dibad baxan maanta ka dhacay Jigjiga ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmihii lasoo dhaafay meelo kamid ah dalka ay ka soconayeen dibad baxyo noocan oo kale ah, oo lagu taageerayay Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiyi Axmed iyo Xisbiga Barwaaqo. 

Dibad baxan ayaa sidoo kale ka dhacay dhammaan magaalooyin kale oo degaanka katirsan. 

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online