4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 7 , 2021
Somaliland oo hirgalinaysa waddo isku xidhi doonta magaaloyinka Burco, Oodwayne iyo Hargaysa
 

Axad, Febraayo, 07, 2021 (HOL)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil (Saylici), ayaa munaasibad lagu qabtay deegaanka Kaba-dheere, oo  duleedka magaalada Burco ah, ka daahfuray dhismaha waddo laamiya, oo 184 kiilo mitir ah taasoo isku xidhi doonta magaalooyinka Burco, Oodwayne iyo Hargaysa.

Wadadan oo dhismaheedu isla maanta markii la dhaxag-dhigayba, si toosa u bilaabmay, ayaa waxa wajiga koobaad oo ah Burco ilaa Oodwayne hirgalinaysa, Wasaarada Gaadiidka iyo Horumartinta Jidadka ee Somaliland, halka wajiga labaad oo noqonaya Oodwayne ilaa Hargaysa na uu Bangiga Horumarinta Geeska Afrika gacan ka gaysan doono.

Hadaba munaasibad lagu qabtay, goobta lagu shaacinayay dhagax-dhiga iyo bilaabashada dhismaha wadada, ayaa waxa ka hadlay saraakiil kala duwan oo uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Saylici isagoo sheegay in wadadani ay noqonayso mashruuca labaad ee ugu wayn ee ay dowladu  fulinayso marka laga yimaado wadada isku-xidha Ceeri-gaabo iyo Burco oo dhismaheedu gaba gabo ku dhawyahay.

 “waxan u mahad celinayaa, wasaarada gaadiidka iyo jidadka, oo runtii xafladan qiimaha badan leh inoo soo qaban-qaabisay, waxaynu ugu talo galnay in qayb kamida qarankan dhismihiisa oo ah wixi ka danbeeyay mashruuci waynaa ee Burco iyo Ceerigaabo halkan loosoo raro, madaamo oo uu ku dhawyahay gabo gabo, aad iyo aad baan ugu hambalyaynayaa wasarada runtii.” Ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan oo munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in inta ay dhagax meel dhigaan anay iska iloobin, balse ay ka dhabeeyan mashruuca ay dhagax dhigaan.

“Anagu dhagax dhiga uma naqaano in inta dhagax meel la dhigo, kadibna layskaga iloobo, wadada aanu maanta dhagax dhigayno bishii 1aad ayaanu bilawnay daraasadeeda, waxa imika dhisan kaamam kii, shaqaalihina wuu joogaa”. Ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa sidookale sheegay in Bangiga Horumarinta Geeska Afrika uu Somaliland ka caawinayo dhismaha wado isku xidhi doonta Borama iyo Lawya-cado.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani Md. Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa isaguna dhismaha wadada dowladda ugu hambalyeeyay, isagoo sheegay in ay tahay masuuliyada dowladda, in ay shacabka u shaqayso, isla markaana, ay ka mucaarid ahan ku daba taagin yihiin dowlada in ay wajibaad keeda kasoo baxdo.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]