4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 7 , 2021
Wasaarradda Caafimaadka oo maamulka gobolka Banaadir ku wareejisay adeegyada caafimaad ee gobolka

 

Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) -Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir adeegyada caafimaadka guud ahaan gobolka Banaadir.

Waxaa munaasabada wareejinta maamulka caafimaadka gobolka Banaadir ka qeybgalay guddoomiye Cumar Maxamed Maxamuud Finish iyo Wasiirka Wasaarradda Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah daadajinta qorshayaasha caafimaadka maamulada dalka si markaa adeega caafimaad loogu dhaweeyo dadka.

Howlaha wareejinta maamulka adeegyada caafimaadka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo xil saaray Guddiyo, kuwaasi oo ka shaqeeyay sida lagu wareejin karo Maamulka Adeegyada Caafimaadka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhankooda ka mahadceliyay taalaabadan ay qaaday Wasaarradda ee maamjulka gobolka Banaadir loogu wareejiyay adeegyada caafimaad ee magaalada Muqdisho

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]