4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 7 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya ciidamo maanta la wareegay degmada Matabaan
 

Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in barqanimadii maanta degmadaasi aay la wareegeen ciidamo la sheegay iney horay uga tirsanayeen maamulkii Ahlusunna Waljameeca ee horay uga talin jiray deegaano ka tirsan Galgaduud iyo Hiiraan.

Ciidamadan horay uga tirsanaa Ahlusunna ayaa la wareegay xarumaha muhiimka ah ee degmada Matabaan, sida Koontarolada laga soo galo magaalada iyo  Saldhiga Booliiska degmada halkaasoo aay horay ugu sugnayeen ciidamo ka tirsan dowlada soomaaliya.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo sababta ka dambeysa in ciidamadan aay la wareegaan xarumaha muhiimka ah ayaa lagu sheegay isku dhac dhexmaray Sarakiil ka tirsan ciidankii Ahlusunna ee la qarameeyay iyo kuwa dowlada Soomaaliya.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka xooga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad oo ku saabsan sababta keentay ciidankii la qarameeyay ee Ahlusunna iney dib ula wareegaan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]