4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 7 , 2021
Somaliland : Tirada kufsiyada ka dhacay sanadkii 2020 oo warbixin laga soo saaray


Axad, Febraayo, 07, 2021 (HOL)- Guddida Xuquuqal Insaanka ee Somaliland ayaa warbixin sanadeed ay soo saareen ku sheegay in tirada kufsiyadda ka dhacay guud ahan Somaliland sanadkii tagay ee 2020 ay dhantahay 142 (boqol iyo laba iyo afartan) kufsi.

Warbixinta ayaa sidoo kale, lagu sheegay gobol walba iyo tiradda kufsiyadda ka dhacday.

Sool 37 kufsi, Maroodi-jeex 25 kufsi, Togdheer 25 kufsi, Saaxil 17 kufsi, Awdal 14 kufsi, Sanaag 13 kufsi, Sarraar 7 kufsi, Gabilay 4 kufsi.

Guud ahan tirada kufsiyadda ka dhacay Somaliland sanad kii tagay ee 2020 waa 142 kufsi.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]