4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 6 , 2021
Midowga Musharixiinta oo war ka soo saaray xaalada dalku ku sugan yahay

 

Sabti, Feberaayo, 06, 2021 (HOL)  Kaddib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen midowga musharixiinta dalka ayeey ugu danbeyntii uga hadlay marxalada uu dalku marayo iyo fashilka shirkii DhuusaMareeb oo rajo badan oo doorasho laga qabay.

Midowga musharixiinta ayaa sheegay in saacadihii ugu danbeeyay kulamo kala duwan la lahaayeen qeybaha kala duwan si looga arinsado marxalada uu dalku marayo, madaama saacado uun ka harsan tahay muddo xilkeedka madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

''Iyadoo 8 Feberaayo oo berri ah naga xigto ay ka harsan tahay muddo xileedka madaxweynaha, ayaa waxaa nasiib darro ah in aan la ogeyn dalku halka uu wajahayo, madaama aan ilaa iyo hadda heshiis buuxa laga gaarin doorashada dalka, gaar ahaan shirkii DhuusaMareeb oo ahaa rajadii ugu danbeysay ee umadda Soomaaliyeed in lagu soo kala taggay'' sidaa daraadeed waxaa qasab noqotay in aan la tashi kula noqono qeybaha bulshada'' ayuu sheegay mas'uul u hadlay midowga musharixiinta oo warbaahinta kula hadlayay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo maanta khudbad ka jeediyay Golaha Shacabka ayaa sheegay in dhankiisa uu marar badan tanaasul ka sameeyay khilaafka doorashada, isaga oo ku eedeeyay labada dowlad gobolleed Puntland iyo Jubbaland aysan raali ka aheyn in doorasho dhacdo.

Midowga musharixiinta ayaa arin ugub ah ku tilmaamay in muddo xileedka dowladda uu dhamaado iyadoo aan la ogeyn halka uu wajahayo iyo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, iyaga oo ku baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay arintaa wadatashi ka yeeshaan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]