4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 6 , 2021
Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay shirkii Dhuusa-mareeb
 

Sabti, Febraayo, 06, 2021 (HOL)- Guddoomiyaha xisbul mucaaridka Somaliland ee Ucid Md. Faysal Cali Waraabe ayaa fashilka shirkii dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad gobolleedyada uga socday magaalada Dhuusa-mareeb ku sababeeyay in lagu heshiin wayay xildhibannada Somaliland.

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayay goob fagaare ah ayaa sheegay in shirkii Dhuusa-mareeb uu fashilmay kadib markii lagu heshiin wayay sida loo qaybinayo kuraasta ay hellayaan xildhibbannada kasoo jeedda Somaliland.

“ waxa la leeyahay xildhibaannadii Somaliland baa lagu heshiin wayay bal horta aqliga aynu u tagnay eega Illahayban iddinku dhaarshee, aqliga aynu bariggii ku darsanay ee aynu nidhi Soomaali baa layidhahdaa, waa aqliga inaga oo halkan joogna 57 shaqo tagay leh waa xildhibaannaadii Somaliland, inagu walaal waxkale uma jeednee qaranimadeeni baynu soo ceshanaynaa, saw Jabuuti qaranimadeedi may xajisan, saw killalka shanaad tiisi muu helin, saw NFD may hellin, dee waxanu leenahay idinku is haggaajiya anagu taayadii waanu haysannaaye, colaadna uma qabno laakin waligeen dib u tagi mayno, usheega midh midhka halkaa jooga”. ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]