4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 6 , 2021
Gabadh xoolo la joogtay oo lagu dilay Burco
 

Sabti, Febraayo, 06, 2021 (HOL)- Nimco Ibraahim oo ahayd gabadh xoolo la joogtay ayaa shalay galabtii lagu dillay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ee Somaliland, dilka gabadha xoolaha la joogtay ayan ilaahada la’ogayn cida ka danbaysay iyo sababta loo dilay.

Nimco oo markii la dilayay la joogtay xayn riyo ah oo ay lahayd ayaa eheladeedu aaminsanyihiin in la dilay kadib markii la kufsaday.

Dhinaca kale maamulka gobolka Togdheer ayaa warbaahinta warbixin kasiiyay dhacdadan, sheegayna in maydka marxuumadu uu ku jirro talaaggada maydka ee isbitaalka wayn ee Burco isla markaana ay ciidamada boolisku ku hawlanyihiin soo qabashada cidii falkan ka danbaysay.

“ halkaa 27 May ama Samir iyo Imaan loo yaqaano, gabadh baa xalayto lagu dillay, gabbadhaas waxa ku yaala dhawac iyo middiyo, in la kufsaday iyo in kalena waala kala hubinayaa oo dhakhaatiirta aya gacanta ku haysa, waana la baadhayaa, cidii dishayna boolisku way daba socdaan”. ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xaad.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]