1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 6 , 2021
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in faro galin shisheeye ay ka dambeyso fashilka heshiisyada doorashada
 

Sabti, Feberaayo, 06, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka codsaday barlamaanka Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan hirgalinta heshiiskii doorashada uu barlamaanku meel mariyay.

‘Waxaan halkaan ka caddaynayaa in aan diyaar u nahay hirgalinta heshiiska doorashada, waxaan idinka codsanaynaa inaad nagu garab siisaan sidii aan ugu qancin lahayn walaalaheen in ay heshiiska qeyb ka ahaadaan,” ayuu madaxweynuhu ka yiri barlamaanka hortiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay muddo shan jeer ah inuu tanaasul ka sameeyay khilaafka arrimaha doorashada, isagoo tilmaamay hadduu heshiisku socon waayo inuu barlamaanka dib ugusoo celinayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa ku sheegay in ay jirto faro galin shisheeye oo dabada ka riixaysa in aan lagu guulaysan heshiiska doorashada. Wuxuuna ka gaabsaday inuu carrabka ku dhufto cidda fara galintaas ku haysa doorashada heshiiskeeda.

sidoo kale, wuxuu madaxweynuhu sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay diideen in la fuliyo heshiiska doorashada, dowladdana ay tiro dhowr jeer ah u dirtay baaqyo iyo wafdiyo ay ku doonaysay in lagu qanciyo in ay heshiiska qeyb ka ahaadaan.

Wuxuuu madaxweynuhu hadalkiisa ku sheegay heshiiska la diidan yahay in ay gacantooda kusoo qoreen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada gaar ahaan madaxweyne Deni oo uu sheegay inuu gacantiisa ku qoray.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]